HomeWararQarax lala eegtay Taliye Ciidan oo ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada...

Qarax lala eegtay Taliye Ciidan oo ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Faah faahino ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo barqadii Maanta ka dhacay Waaxda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan meel ku dhow Masaajidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriyo. Qaraxaas miinada ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca ay Istimcaalan Booliska dowladda oo uu saarnaa Taliyaha Saldhiga Booliska Kaaraan […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo barqadii Maanta ka dhacay Waaxda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan meel ku dhow Masaajidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriyo.

Qaraxaas miinada ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca ay Istimcaalan Booliska dowladda oo uu saarnaa Taliyaha Saldhiga Booliska Kaaraan Gaashaanle Salaad Caraale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan.

- Advertisement -

Taliye Gaashaanle Salaad Caraale iyo Ciidamo la socday ayaa la sheegay inay qaraxaas lala beegsaday ka badbaadeen, isla markaana uusan soo gaarin wax khasaaro ah, marka laga reebo gaariga oo qeybta hore ee Miraayada burbur ka gaaray.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxyeelo dhaawac uu kasoo gaaray dad shacab ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay oo aheyd agagaarka Masjidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriyo ee Kaaraan, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa dhowr iyo toban daqiiqo kadib teya goobta, iyagoona sameeyay baaritaano ku aadan qaraxaas ka dhacay Muqdisho, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Booliska dowladda.

Latest stories