HomeWararJen. Xuud “Ciidanka Baladwayne la geeye hadii Soomaalinimo u shaqeyn waayo waan...

Jen. Xuud “Ciidanka Baladwayne la geeye hadii Soomaalinimo u shaqeyn waayo waan soo celineynaa”

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Jeneraal Abuukar Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay wada-hadal uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Jeneraal Xuud oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay kulan yeesheen, ayna ka wada hadleen sidii uu ugu tanaasuli lahaa […]

- Advertisement -

Jeneraal Abuukar Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay wada-hadal uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jeneraal Xuud oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay kulan yeesheen, ayna ka wada hadleen sidii uu ugu tanaasuli lahaa qaranka iyo dowladnimada Soomaaliya, taasina uu qaatay inuu qaranka u tanaasulo.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Xuud in weli uusan ka tanaasulin kacdoonka Gobolka Hiiraan ay uga soo horjeedan dhismaha Hirshabeelle, isla markaana uu sheegay in Soomaaliyada dhibaato badan ay soo martay, loona baahan yahay in la heshiiyo oo aan la is qab-qabsan xiligaan.

Jeneraal Abuukar Xuud ayaa tilmaamay in Farmaajo uu u istaagay Soomaalinimada, uuna uga mahadcelinayo sida uu u soo dhaweeyay, isagoona Carabka ku dhuftay in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la yeelan doono, si wax la isugu sheego.

Dhinaca kale hoggaamiyaha kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay Ciidankii maalmo kahor dowladda Federaalka geeysay Magaalada Baladweyne, isagoona sheegay in Ciidankaas hadii soomaalinimo u shaqeyn waayaan dib loo soo celin doono, xili ay kasoo horjeeysteen Ciidankaas Baladweyne la geeyay siyaasiyiin kasoo jeeda Hiiraan.

- Advertisement -

Si kastaba Jeneraal Abuukar Warsame Xuud ayaa markii uu imaanayay Magaalada Muqdisho sheegay inuu wada-hadal la galayo dowladda Federaalka, isla markaana uu doonayo in xuquuqda ka maqan dadka Hiiraan ay helaan, uusana doonin wax lacag ah.

Latest stories