HomeWararMaamulka Gobolka Hiiraan oo Jawaabay Go’aankii Xukuumadda ee lagu celinayo Ciidanka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Jawaabay Go’aankii Xukuumadda ee lagu celinayo Ciidanka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul ugu Jawaabay siyaasiyiin kasoo jeeda Hiiraan oo uu kamid ah yahay Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta oo kasoo horjeestay Ciidamada la geeyay Magaalada Baladweyne. Guddoomiye Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka Haramcad ee dowladda geeysay Baladweyne ay yihiin Ciidan qaran oo magaaladaas […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul ugu Jawaabay siyaasiyiin kasoo jeeda Hiiraan oo uu kamid ah yahay Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta oo kasoo horjeestay Ciidamada la geeyay Magaalada Baladweyne.

Guddoomiye Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka Haramcad ee dowladda geeysay Baladweyne ay yihiin Ciidan qaran oo magaaladaas u la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana aysan Ciidanka aheyn kuwo dano laga leeyahay.

- Advertisement -

Cali Jeyte ayaa siyaasiyiintii uu ku jiray Wasiir Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ee kasoo horjeestay Ciidanka Baladweyne laga dejiyey ku tilmaamay inay yihiin kuwo siyaasad ka dhex raadinaya Ciidamada, sidoo kalena ah dad baagamuuda ah oo aan xilal heynin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uusan garaneynin waxa ku kalifay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu amray Ciidanka Haramcad ee la geeyay Baladweyne in dib loogu celiyo Xeryahooda, isagoona xusay in Golaha Wasiirada aysan ka shirin Ciidankii hore dowladda u geeysay Galmudug.

“Ra’iisul Wasaaraha waxuu kasoo jeedaa Galmudug, maalin kasto Ciidamo ayey Dowladda ka dajisaa, maalin Golaha Wasiirda ma fariisin, Laakiin Baladweyne waxuu Wasiirdda u shiriyay oo  Ciidanka ah laga celiyay u dhahayo ma’aqano” ayuu yiri Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa caddeeyay in haddii doorashada Golaha Shacabka laga wareejiyo Magaalada Baladweyne uu Mas’uuliyaddaas leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Latest stories