HomeWararDabeylo xoogan oo burburiyey in ka badan 60 Guri oo ku yaallay...

Dabeylo xoogan oo burburiyey in ka badan 60 Guri oo ku yaallay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dabeeylo xoogan oo ka bilowday Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxyeello gaarsiiyay qoysaskii dhawaan laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab Kenya iyo qoysas kale oo kunool Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland. Dabeylaha ayaa burburiyey in ka badan 60 guri oo ay deganaayeen qoysaskii dhawaan laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga, kuwaasi oo […]

- Advertisement -

Dabeeylo xoogan oo ka bilowday Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxyeello gaarsiiyay qoysaskii dhawaan laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab Kenya iyo qoysas kale oo kunool Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Dabeylaha ayaa burburiyey in ka badan 60 guri oo ay deganaayeen qoysaskii dhawaan laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga, kuwaasi oo ku yaallay xaafadda Xaafadda Midnimo ee Kismaayo, waxaana buryaha qaarkood kusoo rogmaday Bacaad farabadan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed faraweyne oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay inay gurmad u sameeyeen qoysaska ay waxyeelada u geysatay dabeysha ku dhuftay degaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Waxaa uu sheegay inay gaadiid badan geeyeen guryaha soo dumay si looga bixiyo Bacaadka kusoo rogmday, isla markaana weli Maamulka Kismaayo uu ku howlan yahay, sidii loo caawin lahaa qoysaskii waxyeelada gaartay, ayna ka cabsi qabaan inay dumaan guryo kale.

Guddoomiyaha Cumar Cabdullaahi Maxamed faraweyne ayaa tilmaamay in dhibaatada dhacday ay tahay mid weyn oo Maamulka kaliya uusan wax ka qaban karin, wuxuuna Ganacsada Jubbaland iyo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaatan gurmadka.

- Advertisement -

Dabeylo xoogan ayaa ku dhuftay xeebaha Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dabeylaha khasaaro hantiyadeed ay gaarsiiyeen oo ay dumiyeen guryo farabadan oo ay degnaayeen qoysaskii dhawaan laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab Kenya.

Latest stories