HomeWararCiidamo howlgal ka sameeyay goobta Doorashada Golaha Shacabka ee Jowhar

Ciidamo howlgal ka sameeyay goobta Doorashada Golaha Shacabka ee Jowhar

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ee bisha Janaayo tahay 31 bilaabato doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka. Jowhar ayaa waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada kuraasta Golaha Shacabka, isla markaana waxaa Guddiga doorashada Hirshabeelle ay wadaan diiwaan-gelinta Musharaxiinta […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ee bisha Janaayo tahay 31 bilaabato doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Jowhar ayaa waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada kuraasta Golaha Shacabka, isla markaana waxaa Guddiga doorashada Hirshabeelle ay wadaan diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 5 kursi oo kamid ah 11 kursi oo lasoo saaray.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay howlgal baaritaano ah ka sameeyay Hall-ka loo asteeyay inay ka dhacday doorashada Golaha Shacabka ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in tallaabada ay Ciidamada AMISOM howlgalka uga sameeyeen Hall-ka loo asteeyay doorashada ay tahay mid loogu diyaar garoowbayo doorashada Jowhar ka dhaceysa maalinta Isniinta.

Maamulka Hirshabeelle ayaa kaliya ah maamulka aan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana horey u bilaabay doorashada afarta dowlad Goboleed kale, iyadoona la doortay 74 Xildhibaan.

Latest stories