HomeWararCarruur iyo dad Da’ ah oo Cudur dilaacay ugu geeriyooday degaan hoostaga...

Carruur iyo dad Da’ ah oo Cudur dilaacay ugu geeriyooday degaan hoostaga Warsheekh

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno degaan hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay Cudurka jadeecada ugu geeriyoodeen Carruur yaryar iyo dad Da’ ah. Cudurka jadeecada ayaa ka dilaacay degaan lagu magacaabo Bashaqle oo hoostega degmada Warsheekh, waxaana la xaqiijiyay inay Cudurkaas u dhinteen […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degaan hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay Cudurka jadeecada ugu geeriyoodeen Carruur yaryar iyo dad Da’ ah.

Cudurka jadeecada ayaa ka dilaacay degaan lagu magacaabo Bashaqle oo hoostega degmada Warsheekh, waxaana la xaqiijiyay inay Cudurkaas u dhinteen 5 ilaa 6 qof oo isugu jiray Carruur iyo dad da’ ah oo kamid ahaa dadka degaanka.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadka deegaanka Bashaqle oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Cudurka jadeecada uu soo ritay Carruurta yaryar ee kunool deegaanka, isla markaana Carruurta qaarkood ay yihiin kuwo la ildaran Cudurkaas.

Sidoo kale dadka ayaa inoo sheegay in Cudurka uu ku dhacay dad waayeelo ah oo la jiifa jadeecada, mana jiro Xarun Caafimaad oo ku taalla degaanka Bashaqle, waxaana Cudurka uu ku sii faafayaa sida la tilmaamay degaano kale oo hoostega Warsheekh.

Dadka deegaanka ayaa ku baaqay in gurmad Caafimaad lala soo gaaro, si loogu daaweyo Carruurta iyo dadka kale  ee uu soo ritay cudurka jadeecada, iyadoona dadka waayeelada qaarkood loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin dadka Cudurka Jadeecada ugu geeriyooday degaanka Bashaqle oo hoostega degmadaas, sidoo kalena ma jiro wax gurmad ah oo uu Maamulka gaarsiiyay dadka.

Latest stories