HomeWararWasiirka Amniga “Sahayda iyo Saanadda Ciidanka la geeyay Baladweyne Cid gaar ah...

Wasiirka Amniga “Sahayda iyo Saanadda Ciidanka la geeyay Baladweyne Cid gaar ah ayaa bixisay”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si faah faahsan kaga warbixiyay  shirkii Shalay ay yeesheen Golaha wasiiradu iyo arrimaha la xariira Ciidankii la geeyay Magaalada Baladweyne. Wasiirka ayaa in Ciidamada Baladweyne aysan jirin cid kala tashatay wasaaraddiisa, sidoo kalena aysan waxba ka ogayn. Waxaa uu carrabka ku dhiftay Wasiirka amnigu in Ciidanka […]

- Advertisement -

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si faah faahsan kaga warbixiyay  shirkii Shalay ay yeesheen Golaha wasiiradu iyo arrimaha la xariira Ciidankii la geeyay Magaalada Baladweyne.

Wasiirka ayaa in Ciidamada Baladweyne aysan jirin cid kala tashatay wasaaraddiisa, sidoo kalena aysan waxba ka ogayn.

- Advertisement -

Waxaa uu carrabka ku dhiftay Wasiirka amnigu in Ciidanka la geeyay Halkaasi ay sahaydooda iyo dhammaan qarashaadkooda ay bixiyeen shaqsiyaad gaar ah, taasi oo uu sheegay in shaki weyn ay abuurtay u jeedka saxda ah ee Baladweyne loo geeyay Ciidankaasi sida aadka ah u hubeysan.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimaha ku aaddan Suuqa Bakaaraha oo dadka ganacsatada ahaa ay xireen goobahooda ganacsiyada, waxaana uu intaa ku daray in tallaabo deg deg ah ay qaadi doonaan, isagoo intaa ku daray in Mas’uuliyiintii ammaanka suuqa shaqada ku lahaa lala xisaabtami doono.

Shalay ayay ahayd markii Galaha Wasiirada Xukuumadda Rooble ay amar ku bixiyeen in dib loo soo celiyo Ciidankii la geeyay Baladweyne, kuwaasi oo wasaaradaha Dowladdu ay sheegen in aysan waxba kala socon Ciidankaasi.

Latest stories