HomeWararMadaxda Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Warbixin laga dhageystay

Madaxda Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Warbixin laga dhageystay

Date:

Related stories

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kormeeray Xarunta Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kormeerka shaqo ee Agaasimaha Guud ee HSJ oo ka bilowday Garoonka Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa u kuur galayay adeegyada […]

- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kormeeray Xarunta Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kormeerka shaqo ee Agaasimaha Guud ee HSJ oo ka bilowday Garoonka Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa u kuur galayay adeegyada Hay’addu ay ka bixiso Garoonkaas, isagoo warbixino ka dhageystay Madaxda Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee deegnaada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Hay’adda ayaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ka hirgelisay Solar System kaas oo fududeyn doono isku xirka adeegyada Socdaalka ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle iyo Garoonka Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Dhanka kale Agaasimaha oo kormeerkiisa shaqo sii watay ayaa wuxuu sidoo kale kormeerkiisa ku tagay Xafiiska bixinta adeegga Baasaboorka ee Magaalada Baydhabo xilli ay Saraakiisha ka howlgala Xafiiska Baasaboorada ay u adeegayeen Muwaadiniin gudbinayay codsiga Baasaboorka, halka kuwa kalana ay qaadanayeen baasabooro ay horay uga dalbadeen Xafiiska bixinta adeegga Baasaboorka ee Magaalada Baydhabo.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulan la yeeshan Saraakiisha Laanta 3aad ee Magaalada Baydhabo isagoo ka dhageystay Warbixinada shaqo ee Xafiisyada, horumarada ka jiro Laanta 3aad iyo sidoo kale caqabadaha ka jiro Guud ahaan Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali oo saacado la qaatay Saraakiisha Laanta 3aad ayaa uga mahadceliyay daruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan, isagoo kula dardaarmay Saraakiisha Laanta 3aad dardargelinta shaqada isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara shaqada iyo sumcadda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Latest stories