HomeCaalamkaRa’iisul Wasaare Abiy Axmed oo wada-hadallo cusub la furaya Jabhadda Tigreega

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo wada-hadallo cusub la furaya Jabhadda Tigreega

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay jiri doonaan wadaxaajood xabbad-joojin ah oo dhexmari doona dowladdiisa iyo ciidamada kasoo horjeeda ee Tigreega oo dagaal ku jiray ku dhawaad 15 bilood, sida uu wakaaladda AP u sheegay guddoomiyaha koox qurbojoog ah oo kulan gaar ah la qaatay. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed weli meel fagaare kama sheegin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay jiri doonaan wadaxaajood xabbad-joojin ah oo dhexmari doona dowladdiisa iyo ciidamada kasoo horjeeda ee Tigreega oo dagaal ku jiray ku dhawaad 15 bilood, sida uu wakaaladda AP u sheegay guddoomiyaha koox qurbojoog ah oo kulan gaar ah la qaatay.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed weli meel fagaare kama sheegin hadalkan oo kale, iyadoo dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay socdaan.

- Advertisement -

Mesfin Tegenu, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha Mareykanka iyo Itoobiya, ayaa Talaadadii ku tilmaamay qaabkii kulan shanta saacadood qaatay oo Sabtidii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha ” rabitaan dhab ah oo lagu joojinayo dagaalka’, taaas oo uu rajenayo in dhinaca kale ee TPLF ay iyaganu raalli ka yihiin wadahadalka.

Waxa uu sheegay in Abiy u sheegay inay jiri doonaan wadaxaajooyo uu ku tilmaamay kuwa macquul ah oo ‘ilaalin doona danta guud’ ee qaranka.

Ma jiro wax hadal ah oo markiiba kasoo baxay afhayeenka Abiy, Billene Seyoum, ama afhayeenka ciidamada Tigray Getachew Reda oo ku saabsan warbixinta Mesfin Tegenu ee ah in Ra’isul Wasaare Abiy diyaar u yahay wadahadal uu la galo TPLF.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts