HomeWararHaweenay Dowladda ka tirsanayd oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Haweenay Dowladda ka tirsanayd oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Waxaa goordhaweyd Muqdisho lagu dilay Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Safiyo Abuukar Karaani, waxaana soo baxaya faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkeeda. Dilka Haweenyada ayaa waxaa fuliyay koox bistoolado ku hubaysan,waxaana la sheegay in ay goobta ay isaga baxsadeen dableydii dilka fulisay,inkastoo goobta ay soo […]

- Advertisement -

Waxaa goordhaweyd Muqdisho lagu dilay Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Safiyo Abuukar Karaani, waxaana soo baxaya faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkeeda.

Dilka Haweenyada ayaa waxaa fuliyay koox bistoolado ku hubaysan,waxaana la sheegay in ay goobta ay isaga baxsadeen dableydii dilka fulisay,inkastoo goobta ay soo gaareen Ciidanka ammanka oo howlgallo sameeyay.

- Advertisement -

Dilka kadib Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida haweenayda.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , oo ay ugu horreeyaan Wasiirka , wasiiru Dawlaha , Wasiir ku-xigeenka , Agaasimaha Guud , agaasime waaxeedyada iyo dhammaan howlwadeennada waxay la murugoonayaan geerida Allaha u naxariisto, Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda , Safiyo Abuukar Karaani oo caawa Muqdisho ku geeriyootay.

- Advertisement -

AUN Maamo Safiyo, adeeggii qaranka ee marxadaha kala duwan ee waqtiga dheer ah ay ku soo shaqaysay iyo hoggaaminteeda waxay tusaale u ahaayeen Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenaynaa dhammaan Carruurta iyo qoyska. Waxaana Eebe uga baryeenaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo. Aaamin!

Latest stories