HomeCaalamkaCiidamada Maraykanka oo heegan la geliyay xilli laga cabsi qabo duulaanka Ruushka

Ciidamada Maraykanka oo heegan la geliyay xilli laga cabsi qabo duulaanka Ruushka

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto “isku-duubni guud” oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidamada Ruushku ka dhisayo xadka Ukraine xilli Mareykanka uu ku dhawaad 8,500 oo ciidamadiisa ah u diyaariyay dagaal iyaga oo la geliyay heegan sare, xilli ay meel adag marayso xiisadda Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto “isku-duubni guud” oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidamada Ruushku ka dhisayo xadka Ukraine xilli Mareykanka uu ku dhawaad 8,500 oo ciidamadiisa ah u diyaariyay dagaal iyaga oo la geliyay heegan sare, xilli ay meel adag marayso xiisadda Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.

Warkan ayaa ku soo beegmay xilli Ruushka uu beeniyay inuu tallaabo milateri ka qaadi rabo Ukraine, inkastoo uu 100,000 oo askari geeyay xuduudda labada waddan.

- Advertisement -

Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in wadahadal telefoonka ah uu la yeesho xulafadiisa Yurub, si isku aragti ay uga noqdaan duulaanka laga cabsi qabo inuu qaado Ruushka.

Dalal kamid ah NATO sida Denmark, Spain, Bulgaria iyo Netherlands ayaa diyaarado dagaal iyo maraakiib u diray bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolkaas.

Pentagon-ka ayaa sheegay in weli aan go’aan laga gaarin in ciidamadaas loo diro Yurub.

Latest stories