HomeWararAbiy Ahmed oo soo gaaray Jig-jiga iyo ujeedka socdaalkiisa

Abiy Ahmed oo soo gaaray Jig-jiga iyo ujeedka socdaalkiisa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa soo gaaray magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad degaanka Soomaali galbeed, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay, isaga iyo xubnaha ku weheliyay  socdaalkiisa. Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Soomaali galbeed oo uu qayb ka ahaa madaxweynaha Dowlad degaanka iyo Salaaddiin iyo qayabaha kala duwan ee bulshada degaanka ayaa ka qayb […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa soo gaaray magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad degaanka Soomaali galbeed, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay, isaga iyo xubnaha ku weheliyay  socdaalkiisa.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Soomaali galbeed oo uu qayb ka ahaa madaxweynaha Dowlad degaanka iyo Salaaddiin iyo qayabaha kala duwan ee bulshada degaanka ayaa ka qayb qaatay soodhaweynta Abiy Ahmed.

- Advertisement -

Socdaalka Abiy Ahmed uu ku yimid Jig-Jiga ayaa la sheegay in uu la xariiro abaaraha ba’an eek a jira degaanka iyo waxaana wararku sheegayaan in si gaar ah uu ugu kuur gali doono xaaladaha ka jira Degaanka, sidoo kalena si deg deg ah looga jawaabi doono dhibaatooyinka cunta yarida iyo biyo la’aanta baahsan eek a jirta degaanka.

Soodhaweyn ka dib Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Mustafe Cagjar, iyadoo kulanka ay qayb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad degaanka.

Dalka Itoobiya ayaa wajahaya qalalaase iyo dagaallo ay kula jiraan TPLF oo ah awood xooggan oo dowladda kasoo hor jeedda, waxaana degaanka Soomaalidu ay horay u shaaciyeen in garb taagan yihiin Dowladda Federaalka Itoobiya ee hoggaanka u hayo Abiy Ahmed, waxaana jira Ciidamo u dhashay Soomaali galbeed oo qayb ka ah dagaalka Itoobiya ay kula jirto Tigreega.

Latest stories