HomeWararMadaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka

Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Cawil Warsame iyo xubin ka mid ah Guddiga Bashiir Axmed Yuusuf. Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Cawil Warsame iyo xubin ka mid ah Guddiga Bashiir Axmed Yuusuf.

Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo shalay ka bilaabatay Garoowe.

- Advertisement -

Guddoomiye Maxamed Cawil Warsame ayaa Madaxweyne Deni u sheegay muhiimada ay leedahay in doorasho noqoto mid hufan oo ku dhacda si nabad ah, isla markaana la fuliyo habraacyadii ay horey ugu heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Garoowe u tegay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Magaaladaas.

Shantii Xildhibaan ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa shalay lagu doortay Xerada 54-aad ee Ciidamad oo ku taalla Garoowe, waxaana kuraasta qaarkood ee doorashada kusoo baxay xubno ka tirsan Maamulka Puntland.

Latest stories