HomeWararFarmaajo iyo Jeneraal Xuud oo kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada

Farmaajo iyo Jeneraal Xuud oo kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Kulankii ugu horreeyay ayaa waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha kacdoonka Hiiraan Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo siweyn uga soo horjeeda Maamulka Hirshabeelle. Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka Farmaajo iyo Jeneraal Xuud uu ku koobnaa oo kaliya mid is barasho ah iyo […]

- Advertisement -

Kulankii ugu horreeyay ayaa waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha kacdoonka Hiiraan Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo siweyn uga soo horjeeda Maamulka Hirshabeelle.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka Farmaajo iyo Jeneraal Xuud uu ku koobnaa oo kaliya mid is barasho ah iyo xog-wareysi ku aadan xaaladda Gobolka Hiiraan, waxaana kulankaas ka dhacay Madaxtooyada uu ahaa mid hordhac u ah is araga labada dhinac.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha kacdoonka Hiiraan Jeneraal Abuur Xuud ayaa waxaa la tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu Warbixin ku aadan marxaladahii kala duwanaa ee Kacdoonka soo maray siiyay, una sheegay inay doonayaan waxa ka maqan.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Jeneraal Xuud ayaa la sheegay inay kulamo kale ka yeelan doonaan xaaladda ka taagan Gobolka Hiiraan iyo howlaha Jeneraalka u yimid Muqdisho ee ku saabsan diidmada ay kala soo horjeedan Hirshabeelle.

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo si weyn uga horjeeda qaabka dhismaha Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan soo gaaray Muqdisho, kadib markii uu heshiis is afgarad ah Magaalada Baladweyne kula gaaray Taliyaha Ciidanka lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, iyagoona isla yimid Caasimadda.

- Advertisement -

Xuud ayaa duleedka Baladweyne ku heysta maleeshiyaad farabadan oo isaga ka amar qaata, waxaana dhowr jeer dagaal kala duwan oo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac, Jabhadiisa la galeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle.

Latest stories