HomeWararCiidanka Gor-Gor oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno weerar gaadmo ah abaabulayay

Ciidanka Gor-Gor oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno weerar gaadmo ah abaabulayay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ciidamada Kummaandooska Gor-Gor ee Xoogga dalka ayaa waaberigii hore ee saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka dhagaxyaale oo dhanka Koofureed ka xiga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug. Dagaalka culus oo u dhexeeyay Ciidanka Gor-Gor iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka dhagaxyaale, waxaana dagaalkaas oo uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda ay […]

- Advertisement -

Ciidamada Kummaandooska Gor-Gor ee Xoogga dalka ayaa waaberigii hore ee saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka dhagaxyaale oo dhanka Koofureed ka xiga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Dagaalka culus oo u dhexeeyay Ciidanka Gor-Gor iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka dhagaxyaale, waxaana dagaalkaas oo uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Shabaabka oo halkaas joogay.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidanka Gor-Gor ayaa sheegay inay ka hortageen weerar ay abaabulayeen Al-shabaab oo ay sheegeen in lagu qaadi rabay Magaalada Guriceel, si loogu dhibaateeyo shacabka, waa sida hadalka looga dhigay.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Kummaandooska ayaa soo bandhigay meydadka xubno ka tirsan Shabaabka, kuwaas oo lagu dilay dagaalka ka dhacay dhagaxyaale, waxaana sidoo kale laga qabsaday hub, gaari nuuca raaxada ah iyo miino.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac ku dhexmaray deegaanka dhagaxyaale oo koonfur ka xira Magaalada Guriceel uu ka dhashay khasaaro isugu jiray oo labada dhinac soo kala gaaray, in kastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay.

Latest stories