HomeWararAl-shabaab oo War kasoo saartay dilka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan

Al-shabaab oo War kasoo saartay dilka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa xalay koox ku hubeysneyd Bastoolado waxaa ay ku dileen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, xili uu kusoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Cabdiraxmaan Ibraahim ay toogasho ku dileen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, kuwaasi oo markii […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa xalay koox ku hubeysneyd Bastoolado waxaa ay ku dileen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, xili uu kusoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Cabdiraxmaan Ibraahim ay toogasho ku dileen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, kuwaasi oo markii dambe goobta ka baxsaday, waxaana durbo goobta uu falku ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

- Advertisement -

Al-shabaab oo warar ay ku qoreen barahooda qadka Internet-ka ayaa waxaa ay sheegteen mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo lagu khaarijiyey Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu kasoo guuray Magaalada Baladweyne oo uu deganaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo badatay falalka amni darro, waxaana maalmo kahor gudaha degmada Yaaqshiid lagu dilay Nabaddoon caan  ahaa, sidoo kalena Caasimadda ay ka dhacayeen qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyey…

Latest stories