HomeWararAkhriso:-Magacyada Lixda Xildhibaan ee Maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo

Akhriso:-Magacyada Lixda Xildhibaan ee Maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ka dhacday doorashada Lix kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland. Doorashada kursiga koowaad ee tirsigiisu yahay HOP114 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ka dhacday doorashada Lix kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Doorashada kursiga koowaad ee tirsigiisu yahay HOP114 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana doorashada kursigaas kusoo baxay Cumar Ibraahim oo helay 80 Cod.

- Advertisement -

Doorashada kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP107 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo loogu coddeeyay gacan taag ah, kadib markii uu doorashada ka tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Xasan Cismaan Aadan.

Kursiga saddexaad ee tirsigiisu yahay HOP120 oo Maanta doorashadiisa ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay Codad gaaraya 77 Cod.

Sidoo kale doorashada kursiga #HOP111 ayaa waxaa ku loolamay laba Musharax oo kala ahaa Cabaas Cali Ibraahim iyo Aadan Mursal Cadow, isla markaana waxaa doorashada kursigaas ku guuleystay Cabaas Cali Ibraahim oo helay helay 79 Cod

- Advertisement -

Cabdinuur Cali Aadan ayaa ku guuleeystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP028, kadib markii uu u tanaasulay Musharaxii la tartamayey oo ahaa Axmed Cabdi Maxamed, waxaana Cabdinuur Cali loogu coddeeyay Cod taag ah.

Kursiga ugu dambeeyay doorashadiisa Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee tirsigiisu yahay #HOP093 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Siciid Maxamed Cali iyo Mahad Nuur Xaaji Cismaan, isla markaana waxaa kusoo baxay Siciid Maxamed oo helay 74 Cod.

Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee JubalandSEIT Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay dhammaan Natiijooyinka doorashooyinkii Maanta ka dhacay Kismaayo, waxaana doorashada goobjoog ka ahaa wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Latest stories