HomeWararXildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo Goordhow lagu doortay Garoowe

Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo Goordhow lagu doortay Garoowe

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Waxaa goordhow Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ee Caasimadda Puntland kusoo dhammaatay doorashada kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop196 ayaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Abshir Cabdi Xuseen iyo Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo ah Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland, waxaana doorashada […]

- Advertisement -

Waxaa goordhow Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ee Caasimadda Puntland kusoo dhammaatay doorashada kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop196 ayaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Abshir Cabdi Xuseen iyo Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo ah Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland, waxaana doorashada la galay hal wareeg oo kaliya.

- Advertisement -

98 Ergo ayaa doorashada coddeeysay, waxaana kursiga Hop196 ku guuleystay oo kusoo baxay Cabdi Ibraahim Warsame oo ah Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland, kaasi oo kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka dowladda.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay in Cabdi Warsame Qawdhan uu kusoo baxay kursiga Hop196, isla markaana waxaa uu helay codad gaaraya 90 Cod, halka Abshir Cabdi Xuseen uu isna helay 6 Cod, waxaana halaabay 2 Cod.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa goobjoog ka ahaa doorashada Golaha Shacabka ee ka socota agaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ee Caasimadda Puntland.

Latest stories