HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Dad Dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax xoog leh

Wararkii ugu dambeeyay Dad Dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax xoog leh

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa uu ku dhacay mooto mareysay galbeedka Ghana, kadibna uu sameeyay qarax weyn, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen Jimcihii. Shilkan ayaa Khamiistii ka dhacay deegaanka Piate, oo u dhow Bogoso, oo ah magaalo macdanta laga qodo […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa uu ku dhacay mooto mareysay galbeedka Ghana, kadibna uu sameeyay qarax weyn, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen Jimcihii.

Shilkan ayaa Khamiistii ka dhacay deegaanka Piate, oo u dhow Bogoso, oo ah magaalo macdanta laga qodo oo ku taal degmada Dooxada Prestea-Huni, sida uu sheegay madaxa fulinta dowladda hoose ee degmada Isaac Dsamani.

- Advertisement -

Gaariga ayuu sheegay in uu siday waxyaabaha qarxa oo loo waday godka dahabka laga qodo ee Chirano ee ku yaala Galbeedka Gobolka.

Qaraxa ayaa burbur weyn u geystay tuulada APIate, oo ay ku nool yihiin ilaa 500 oo qof. “Waa xaalad murugo leh,” ayuu yiri Prosper Baah oo ah ku simaha madaxa adeegga gaadiidka caafimaadka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa qortay in muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhcay oo la soo dhigay baraha bulshada uu muujinayay guryaha goobta ka agdhawaa oo si weyn u burburay.

- Advertisement -

“Runtii waa dhacdo nasiib darro ah, naxadin iyo murugona leh” ayuu ku yiri Madaxweynaha Ghana Nana Addo Dankwa Akufo-Addo qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, isagoo si qoto dheer uga tacsiyeeyay qoysaska dadka dhintay.

Latest stories