HomeWararWafdi ka socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe

Wafdi ka socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wafdi ka socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland, iyada oo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay. Wafdigaan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Khilaafaadka Maxamed Cawil Warsame ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga doorashada Maamulka Puntland. Ujeedka wafdiga […]

- Advertisement -

Wafdi ka socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland, iyada oo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Khilaafaadka Maxamed Cawil Warsame ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga doorashada Maamulka Puntland.

- Advertisement -

Ujeedka wafdiga ka socday Guddiga Khilaafaadka ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda oo Maanta ka bilaabatay Magaalada Garoowe.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Cawil Warsame iyo xubnaha la socda ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Guddiga doorashada Puntland iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona dardar-gelinta howlaha doorashada.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa ka bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaana halkaas lagu doortay kursigii ugu horreeyay oo uu kusoo baxay Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo ah Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland.

Latest stories