HomeWararSarkaal ka tirsanaa Hirshabeelle oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qarax lala...

Sarkaal ka tirsanaa Hirshabeelle oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qarax lala eegtay

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle oo maalmo kahor dhaawac kasoo gaaray qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Sarkaalka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen, isla markaana waxa uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Hirshabeelle, isagoona maalmihii lasoo dhaafay […]

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle oo maalmo kahor dhaawac kasoo gaaray qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sarkaalka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen, isla markaana waxa uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Hirshabeelle, isagoona maalmihii lasoo dhaafay dhaawacii kasoo gaaray qaraxa lagu dabiibayay Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid  Allaha u naxariistee Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Booliska Maamulka.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Sarkaalka uu kamid ahaa saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Booliska, wuxuuna Madaxweyne Cali Guudlaawe geerida Sarkaalka uga tacsiyeeyay eheladii, qaraabadii iyo Taliska Ciidanka Booliska Maamulka ee uu ka baxay.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ee uu marka hore dhaawaca kasoo gaaray Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen, isagoona markii dambe u dhintay.

Latest stories