HomeWararMaxaa ka jira in xiisad la xiriirta Doorashada ay ka taagan tahay...

Maxaa ka jira in xiisad la xiriirta Doorashada ay ka taagan tahay Magaalada Garoowe?

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyey warar sheegayay in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ay ka jirto xiisad la xiriirta Arrimaha doorashooyinka, hayeeshee Maamulka Puntland ayaa Warkaas ka hadlay. Duqa Magaalada Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin xiisad la xiriirta doorashada oo ka taagan Garoowe, isla markaana been abuur […]

- Advertisement -

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyey warar sheegayay in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ay ka jirto xiisad la xiriirta Arrimaha doorashooyinka, hayeeshee Maamulka Puntland ayaa Warkaas ka hadlay.

Duqa Magaalada Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin xiisad la xiriirta doorashada oo ka taagan Garoowe, isla markaana been abuur ay yihiin wararka lagu faafiyey Baraha Bulshada, laguna doonayo in dadka lagu Jahwareeriyo.

- Advertisement -

Axmed Saciid oo la hadlay warbaahin ka howlgasha Puntland ayaa u sheegay in wax dhibaato aysan ka jirin Caasimadda Maamulka oo xaaladdu degan tahay, wuxuuna dadka faafiyey wararka ugu baaqay inay ka waan-tooban arrintaas.

“Waxaan dadweynaha u xaqiijinaya in aysan jirin wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu faafiyay, wax dhibaato ah kama jirto Caasimadda, dadka wararkaas faafinaya haka waan-toobeen” ayuu yiri Duqa Garoowe Axmed Saciid Muuse.

Maanta oo sabti ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe ka dhacdo doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana doorashada ay tahay mid lasii ogyahay dadka kusoo baxaya.

Latest stories