HomeCaalamkaMareykanka oo Gargaar Milateri gaarsiiyay Ukraine, xilli ay cirka isku shareertay xiisada

Mareykanka oo Gargaar Milateri gaarsiiyay Ukraine, xilli ay cirka isku shareertay xiisada

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Shixnaddii ugu horraysay ee gargaar milateri oo uu Mareykanku ansixiyay ayaa waxa ay gaartay magaalada Kyiv ee caasimadda waddanka Ukraine, kaddib ballanqaad cusub oo maamulka Madaxweyne Biden sheegay inuu dalkaasi ku siin doono gargaar milateri. Safaaradda Mareykanka ee magaalada Kyiv ayaa sheegtay in shixnaddan ay ka koobneyd sagaashan tan oo ay ugu yeertay gargaar halis […]

- Advertisement -

Shixnaddii ugu horraysay ee gargaar milateri oo uu Mareykanku ansixiyay ayaa waxa ay gaartay magaalada Kyiv ee caasimadda waddanka Ukraine, kaddib ballanqaad cusub oo maamulka Madaxweyne Biden sheegay inuu dalkaasi ku siin doono gargaar milateri.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Kyiv ayaa sheegtay in shixnaddan ay ka koobneyd sagaashan tan oo ay ugu yeertay gargaar halis ah, oo ay ku jiraan rasaasta loogu talagalay ciidamada jiidda hore ee Ukraine. Moscow ayaa boqol kun oo askari soo dhoobtay xadka Ukraine.

- Advertisement -

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli wadahadallo cad oo aanan waxba la isu qarin ay yeesheen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareyanka iyo dhiggiisa Ruushka, sidoo kalana ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay ciidammada faraha badan ee uu Ruushku soo tubay xadka waddanka Ukraine.

Dhanka kale Madaxweyne Joe Biden ayaa Sabtida iyo Axadda waxa uu Xarunta Camp David kulan kulan qaadan doonaa kooxdiisa ammaanka qaranka iyagoo ka wada xaajoon doona xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ee salka ku haya arrinta Ukraine.

Latest stories