HomeWararMaamulka Puntland oo Amaro cusub kasoo saaray amniga Magaalada Garoowe

Maamulka Puntland oo Amaro cusub kasoo saaray amniga Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddiga amniga Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Amaro lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas oo Maanta lagu wado inay ka dhacdo doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka. Guddiga amniga Gobolka ayaa faray Ciidamada ammmaanka qeybahooda kala duwan ee sugaya amniga Caasimadda inay qabtaan qofkii Qori wata oo aan ka […]

- Advertisement -

Guddiga amniga Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Amaro lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas oo Maanta lagu wado inay ka dhacdo doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka.

Guddiga amniga Gobolka ayaa faray Ciidamada ammmaanka qeybahooda kala duwan ee sugaya amniga Caasimadda inay qabtaan qofkii Qori wata oo aan ka tirsaneynin Ciidamada howsha ku jira ee ilaalinaya ammaanka.

- Advertisement -

Amarka ay soo saareen Guddiga amniga ayaa waxaa lagu mamnuucay in gaadiid aan aheyn kuwa ay ku howlgalayaan Ciidamada aan lagu dhex arkin karin gudaha Magaalada, waxaana gaadiidleyda loo sheegay inay qaataan amarkaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa shacabka Magaalada Garoowe ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego qof kasta oo isku dayda inay sameeyso falal amni darro, isla markaana shacabka la faray inay lasoo wadaagan hay’addaha amniga.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo sabti waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories