HomeCaalamkaDiyaarad hawada looga celiyay Amar diido uu sameeyay Qof kamid ah Rakaabka

Diyaarad hawada looga celiyay Amar diido uu sameeyay Qof kamid ah Rakaabka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines oo u kala gooshaysay magaalooyinka Miami iyo London ayaa dib ugu laabatay garoonkii ay ka soo kacday, kadib markii qof kamid ah rakaabkii saarnaa uu diiday inuu xirto maaskaraha la isaga difaaco cudurka Covid-19. Duulimaadka oo uu tirsigiisu ahaa AAL38 ayaa waxaa la socday 129 rakaab ah, waxaana ay […]

- Advertisement -

Diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines oo u kala gooshaysay magaalooyinka Miami iyo London ayaa dib ugu laabatay garoonkii ay ka soo kacday, kadib markii qof kamid ah rakaabkii saarnaa uu diiday inuu xirto maaskaraha la isaga difaaco cudurka Covid-19.

Duulimaadka oo uu tirsigiisu ahaa AAL38 ayaa waxaa la socday 129 rakaab ah, waxaana ay diyaaradda dib ugu laabatay garoonka Miami, halkaas oo ay ku sugayeen booliska.

- Advertisement -

Waxaa diyaaradda laga dejiyay oo booliska loo gacan geliyay haweeney da’deedu lagu qiyaasay 40 jir.

Haweeneyda oo diiday inay xirato maaskaraha ayaa waxaa lagu daray liiska dadka laga mamnuucay inay raacaan diyaaradaha shirkadda American Airlines, balse baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa kiiskeeda, sida ay sheegtay shirkadda.

Diyaaradda oo soo duushay Arbacadii ayaa dib u noqotay kadib markii ay muddo saacad ah duulaysay, sida ku cad xogta qalabka lagula socdo duulimaadyada ee FlightAware.

- Advertisement -

Steve Freeman oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda ayaa warbaahinta Miami u sheegay in haweeneyda ay fadhiday qeybta dabaqada koobaad ee diyaaradda.

Latest stories