HomeWararDil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay Isgoyska Baar ubax ee degmada howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga iyo qofka la dilay oo ahaa Nin uu soo kala dhex-galay […]

- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay Isgoyska Baar ubax ee degmada howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga iyo qofka la dilay oo ahaa Nin uu soo kala dhex-galay muran kooban, kadibna Askariga uu si bareer ah rasaas ugu furay Ninka oo durbadiiba goobta ku dhacay, kuna dhintay.

- Advertisement -

Ninka la toogtay ayaa waxaa la tilmaamay inuu ahaa qof xoogaa madaxa looga jiray oo la murmay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo ku sugneyd Isgoyska Baar ubax ee degmada howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir.

Meydka Ninka oo daqiiqado yaallay goobta uu falku ka dhacay ayaa markii dambe halkaas laga qaaday, waxaana goobta yimid Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda degmada howlwadaag, kadibna iska laabtay, sida la sheegay.

Askarta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mararka qaarkood si bareer ah dilal ugu geysta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana hore gudaha Magaalada Muqdisho Askarta dowladda ay ugu dileen dad shacab ah oo marayay waddooyin.

Latest stories