HomeWararMaxaa iska bedelay Mowqifka Itoobiya ee ku aadanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya?

Maxaa iska bedelay Mowqifka Itoobiya ee ku aadanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya?

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Dina Mufti oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis Ababa ayaa wax laga weeydiiyay booqashadii uu dhowaan halkaas ku tagay amadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Afhayeen Dina Mufti ayaa wax laga weydiiyey booqashada Madaxweyne Biixi inay dhaawici karto xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay. “Ma jirto wax isbadal […]

- Advertisement -

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Dina Mufti oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis Ababa ayaa wax laga weeydiiyay booqashadii uu dhowaan halkaas ku tagay amadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeen Dina Mufti ayaa wax laga weydiiyey
booqashada Madaxweyne Biixi inay dhaawici karto xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay. “Ma jirto wax isbadal ah oo ku dhacay moowqifkeenii Soomaaliya ku aaddanaa, mana doonayno in imaanshaha Biixi ay dhaawacdo xiriirka nalaga dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya”.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somailand, Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xilliga ay tageen ay ahayd xilliga ugu munaasibsan oo ay safar ku tagi karayeen dalka Itoobiya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in kulanka dhex marey wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi, iyo Ra’iisul Wasaarahaha Itoobiya loogga hadley dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka mandiqadda Geeska Afrika.

Si kastaba Biixi ayaa maalmo kahor waxaa uu booqasho ku tagay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, kadib markii uu casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, waana booqashadii koowaad tan iyo intii uu dagaalka ka biloowday Itoobay.

Latest stories