HomeWararKoonfur Galbeed oo soo Bandhigtay Liiska Odayaasha soo xulaya Ergada saddex kursi

Koonfur Galbeed oo soo Bandhigtay Liiska Odayaasha soo xulaya Ergada saddex kursi

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa xalay shaaciyay magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraasta tirsigooda kala yihiin HOP#056, HOP#002 iyo HOP#231. Guddiga ayaa Qoraal uu soo saaray kusoo bandhigay Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraasta ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federalka. […]

- Advertisement -

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa xalay shaaciyay magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraasta tirsigooda kala yihiin HOP#056, HOP#002 iyo HOP#231.

Guddiga ayaa Qoraal uu soo saaray kusoo bandhigay Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraasta ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federalka.

- Advertisement -

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ka dhacdo doorashada saddexda kursi oo kamid ah 11 kursi oo hore Guddiga u soo saareen.

Maalintii Arbacada aheyd ee todobaadkan ayaa waxaa Baydhabo ka dhacday doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana doorashada kusoo  baxay Xildhibaano cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Baarlamaankii 10-aad.

Dowlad Goboleedyada ayaa si dardar leh ku bilaabay doorashada Golaha Shacabka, iyagoona dhammaantood soo saaraya Jadwalo doorasho iyo Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergooyinka doorashada kuraasta.

- Advertisement -

Latest stories