HomeWararGuddiyada Doorashada Galmudug iyo Somaliland oo shaaciyay Jadwalo Doorasho

Guddiyada Doorashada Galmudug iyo Somaliland oo shaaciyay Jadwalo Doorasho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa xalay shaaca ka qaaday Jadwalka doorashada kuraas hor leh oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka. Guddiga doorashada ayaa sheegay in diiwaan-gelinta Guddiga xulista ergada ay bilaaban doonto 22-ka bisha oo ku beegan maalinta berri oo sabti ah, halka Liiska magacyada Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa xalay shaaca ka qaaday Jadwalka doorashada kuraas hor leh oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in diiwaan-gelinta Guddiga xulista ergada ay bilaaban doonto 22-ka bisha oo ku beegan maalinta berri oo sabti ah, halka Liiska magacyada Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergada la shaacin doono 24-ka bisha.

- Advertisement -

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 7 kursi oo kamid ah 21 kursi oo hore Galmudug u soo saartay ayaa bilaaban doonta 25-ka bishaan Janaayo, waxaana doorashada ay kala dhaceysaa 26-ka iyo 27-ka, iyada oo ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Guddiga Maamulka doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland.

Guddiga doorashada oo Qoraal soo saaray ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 6 kursi ay bilaabaneyso 23-ka bishaan, isla markaana doorashada kuraasta la qaban doono 24-ka bisha, waxaana doorashada lagu qabanayaa Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada Galmudug ee lasoo saaray

Jadwalkaana waa mid Doorashada Gobolada Waqooyi ee lasoo saaray.

 

Latest stories