HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Rag lagu dilay duleedka Magaalada Gaalkacyo

Faah faahin kasoo baxeysa Rag lagu dilay duleedka Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa xalay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ew Xarunta Gobolka Mudug ku dilay wiilal dhalinyaro ah, kuwaasi oo meydadkooda laga helay duleedka Koonfureed ee Gaalkacyo. Warar la helayo ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyay dilka dhalinyarada ay ka baxsadeen goobta, waxaana falkaas dhacay loo maleynayaa inuu salka ku haayo Arrimo la xiriira […]

- Advertisement -

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa xalay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ew Xarunta Gobolka Mudug ku dilay wiilal dhalinyaro ah, kuwaasi oo meydadkooda laga helay duleedka Koonfureed ee Gaalkacyo.

Warar la helayo ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyay dilka dhalinyarada ay ka baxsadeen goobta, waxaana falkaas dhacay loo maleynayaa inuu salka ku haayo Arrimo la xiriira aano qabiil.

- Advertisement -

Taliska Booliska Mudug ee Galmudug ayaa meydadka dhalinyarada ku wareejiyey Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland G/Sare Muumin Cabdi Shire, iyadoo ay socdaan howlgallo lagu baacsanayo raggii fuliyay dilkaas dhacay.

Dhinaca kale Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi ayaa saakay sheegay inay soo qabteen ragii xalay qof shacab ah ku dilay Koofurta Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo u baxsaday dhanka waqooyi ee Magaalada

Dilal qorsheysan oo ay geysteen rag maleeshiyaad ayaa horey sidaan oo kale uga dhacay duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana falalkaas inta badan ay salka ku haayeen Arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

Latest stories