HomeWararDowladda Somalia oo mar kale Imaaraadka kala hadashay Iskaashiga dheef-wadaagga ah

Dowladda Somalia oo mar kale Imaaraadka kala hadashay Iskaashiga dheef-wadaagga ah

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cusmaan. Wasiirka ayaa la wadaagay Danjiraha sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga xuntahay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaashi ay waxyeelladu ka soo […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cusmaan.

Wasiirka ayaa la wadaagay Danjiraha sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga xuntahay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaashi ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas arxan darrada ahaa.

- Advertisement -

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo, horumarinta iskaashiga dheef-wadaagga ah iyo wax wada qabsiga labada dal.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa habeen hore waxaa uu kulan khadka Telefoonka ah kula yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, wuxuuna kala hadlay dardar-gelinta xiriirka labada dal.

Si kastaba Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan dib u soo celiyay xiriirkii ka dhexeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo muddo xumaa, waxaana Xukuumadda sheegtay in la sii xoojin doono xiriirka labada dal.

Latest stories