HomeWararCiidanka Booliska oo howlgal lagu qabtay Dad, hub iyo gaadiid ka fuliyay...

Ciidanka Booliska oo howlgal lagu qabtay Dad, hub iyo gaadiid ka fuliyay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo socday saacado dhowr ah waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha ay kooban tahay degmada Dharkeenley ee Gobolkaan Banaadir. Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay baaritaano ugu sameeynayeen guri guri ee xaafaddaha Dharkeenley, iyadoo la arkayay Ciidamada oo baarayay dharka iyo alaabta taalla guryaha ay galeen. […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo socday saacado dhowr ah waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha ay kooban tahay degmada Dharkeenley ee Gobolkaan Banaadir.

Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay baaritaano ugu sameeynayeen guri guri ee xaafaddaha Dharkeenley, iyadoo la arkayay Ciidamada oo baarayay dharka iyo alaabta taalla guryaha ay galeen.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidanka ayaa baarayay goobo Ganacsi iyo gaadiidka noocyadiisa ee isticmaalayay wadddooyin laamiga, isla markaana su’aalo la xiriira dhinaca weydinayay dadka saaran gaadiidka si gaar ah dhalinyarada.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay dad looga shakiyay falal amni darro, hub iyo gaadiid aan laheyn taariko, kuwaasi oo ay Ciidamada geeyeen Saldhig Boolis, si dadka qabtay hubin dheeraad ah loogu sameeyo.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga ee degmada Dharkeenleey Cabdullaahi Shaarkeey oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka ka fuliyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga degmadaas oo mararka qaarkood falal amni darro ka dhacaan.

- Advertisement -

Guddoomiye Cabdullaahi Shaarkey ayaa tilmaamay in sidoo kale Ciidanka ammaanka ayaa baadi goobayeen dhalinyaro Ciyaal weero ah oo ay cabasho kasoo gudbiyeen dadka deegaanka, kuwaasi oo dadka dhibaato ku haaya.

Habeeno kahor ayey markii Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayey ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir, oo maalmihii dambe kusoo bateen falal amni darro.

Latest stories