HomeWararBoqor Buurmadoow iyo Cabdi Xaashi oo qaadacay Doorashadii Golaha Shacabka

Boqor Buurmadoow iyo Cabdi Xaashi oo qaadacay Doorashadii Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadoow oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa qaadacay doorashada Golaha Shacabka ee socota. Boqor Buurmadoow oo ugu horreeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, isla markaana ay shacabka iyo Beesha […]

- Advertisement -

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadoow oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa qaadacay doorashada Golaha Shacabka ee socota.

Boqor Buurmadoow oo ugu horreeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, isla markaana ay shacabka iyo Beesha Caalamka u caddeynayaan inay baxeen doorashada Soomaaliya.

- Advertisement -

Boqorka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu faragelin ku haayo doorashada oo uu la wareegay hannaankii doorashada, kana dhigay Xafiiskiisa Cabdala Shideeye lagu sameeyo been abuurka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaas kusii daray Boqor Cismaan Boqor Buurmadoow in aysan waxba kala socon doorashada Jadwalkeeda xiligaan lasoo saaray oo uu xusay inuu ogyahay oo kaliya Guddiga doorashada SEIT ee Somaliland.

“Waan ka baxnay Doorashadii Soomaaliya waxaan halkaan isugu nimid in aan u cadeyna Beesha caalamka iyo Soomaaliba’ Marka aan garan wayne cid aan kaga dacwoona Ra’iisul Wasaaraha beeshiisa xitaa waan ugu dacwoonay” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dadka la shaqeeya ugu baaqay in la joojiyo doorashada 6 kursi ee Jadwalkeeda la shaaciyay, isla markaana dib loo dhigo, si loo saxo khalalaadka jira.

Latest stories