HomeWararRa’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo welwel ka muujiyay Boobka Doorashada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo welwel ka muujiyay Boobka Doorashada

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee socota dalka, isagoona walaac ka muujiyay qaabka ay ku socdaan doorashooyinka, xili heshiis dhawaan laga gaaray. Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu sheegay in habka lagu maamulayo doorashada ay ka awoon badan tahay habraacyada doorashada dalka, isla markaana arrintaas ay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee socota dalka, isagoona walaac ka muujiyay qaabka ay ku socdaan doorashooyinka, xili heshiis dhawaan laga gaaray.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu sheegay in habka lagu maamulayo doorashada ay ka awoon badan tahay habraacyada doorashada dalka, isla markaana arrintaas ay horseedi karto in xoog lagula soo baxo Xildhibaanka la rabo.

- Advertisement -

Wuxuu tilmaamay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya in habraaca doorashada awood loo siiyay maamul Goboleedyada, boobna lagu haayo kuraasta Barlamaanka, isagoona ka digay inay keeni doonto tallaabadaas inuu mugdi galo sharciyada dowladda.

“Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada. Waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ugu dambeyn Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maamul Goboleedyada ku eedeeyay inya gacantooda ku qoranayaan Guddiyada soo xulaya ergooyinka, halkii loo baahnaa in beelaha leh kuraasta ay u madax-banaanadaan xulista ergooyinka.

- Advertisement -

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo aaday, iyada oo Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda xilgaarsiinta sheegay inuu cadeynayo in si baal marsan habraacyada doorashada loo maamulay kursiga sumasiisu yahay #Hop166, isagoona eedeeyn u jeediyay Puntland.

Latest stories