HomeCaalamkaMW Biden iyo xisbigiisa dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka

MW Biden iyo xisbigiisa dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Madaxweyne Joe Biden iyo xisbigiisa Dimoqraadiga ayaa Arbacadii dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka, kaddib markii xisbiga Jamhuuriga ay hor istaageen shirciga ilaalinta xuquuqda codbixinta, kaas oo ay muddo sanad ah u ololeynayeen.

Dimuqraadiyiinta ayaa diyaar u ahaa inay isla markiiba u codeeyaan isbedel lagu sameeyo mid ka mid ah xeerarka Senate-ka, si ay uga gudbaan habraaca filibuster-ka oo ay u arkayeen inuu caqabd ku yahay hindisahooda, si ay ugu ansixiyaan aqlibiyad fudud sharciga ilaalinta xuquuqda codbixinta.

- Advertisement -

Laakiin bedelka sharcigan ayaa sidoo kale ku dhammaaday guuldarro, maadaama Biden uu awoodi waayay inuu ku qanciyo laba senator oo xisbigiisa ah.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Chuck Schumer, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa isku dayay inuu dib u habeeyo qaanuunka filibusterka, isagoo hoos ugu dhigay tirada ansixita xeerkan 50-cod oo markii hore aheyd 60-cod.

Labadan Senator ayaa sheegay inay taageersan yihiin sharcigan, laakiin aysan diyaar u aheyn wax ka beddelka xeerarka Senate-ka.

- Advertisement -

Aqalka Senate-ka oo ka kooban 100 xidhibaan ayaa hadda u kala qeybsan 50-50, waaloow Dimuqraadiyiintu ay leeyihiin aqlabiyada ciriir ah, maadaama madaxweyen ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay leedahay codka jebinta barbardhac.

Latest stories