HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo Digniin culus u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland oo Digniin culus u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo war kasoo saaray tallaabadii uu Baarlamaanka UK uga dooday aqoonsiga Somaliland ayaa sidoo kale jawaab u diray Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta, Jamaal Maxamed Xasan. Mr Biixi oo faah-faahinayay kulan ay Xukuumaddiisa ka yeelatay arrintan ayaa ugu horreyn u mahad celiyay Baarlamaanka dowladda Ingiriiska ee billaabay doodda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo war kasoo saaray tallaabadii uu Baarlamaanka UK uga dooday aqoonsiga Somaliland ayaa sidoo kale jawaab u diray Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta, Jamaal Maxamed Xasan.

Mr Biixi oo faah-faahinayay kulan ay Xukuumaddiisa ka yeelatay arrintan ayaa ugu horreyn u mahad celiyay Baarlamaanka dowladda Ingiriiska ee billaabay doodda la xiriirta in la aqoonsado Somaliland.

- Advertisement -

Si gaar ah ayuu ugu mahad naqay Xildhibaannada taageeray Somaliland ee hor kacayay doodda Baarlamaanka Ingiriiska iyo sidoo kale jaaliyadda reer Somaliland ee waddankaas kunool.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka jawaabay hadalkii Wasiirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo weerar xagga afka ah ku qaaday Xildhibaan Gavin Williamson, oo ah Xildhibaanka doodda aqoonsiga Somaliland geeyay Baarlamaanka UK.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu Digniin culus u diray Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay dowladda inay bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka UK ee u ololeynayey aqoonsiga Somaliland.

- Advertisement -

Muuse Bixii ayaa tilmaamay in faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo weerarka qaawan ay sii kordhineyo nacayb, kala fogaansho iyo Colaad dheeraata oo la dhex abuuro Soomaalida gudaheeda.

Latest stories