HomeWararMadaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan Guddiga oo gaaray Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye Muuse Geelle kala hadlay doorashada dalka gaar ahaan tan Golaha Shacabka ee ka socota […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan Guddiga oo gaaray Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye Muuse Geelle kala hadlay doorashada dalka gaar ahaan tan Golaha Shacabka ee ka socota Jubbaland iyo sidii loo dardar-gelin lahaa doorashada, looguna soo gaba-gabeyn lahaa waqtigii loo qorsheeyay ee 25-ka Febraayo.

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doorashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la dadajiyo, si looga baxo marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe la qaatay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa ka qeyb ahaa Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland SEIT iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaas.

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa shalay Kismaayo u tegay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.

Latest stories