HomeWararGuddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo la doortay

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo la doortay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa Goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho kusoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban, kadib markii xilka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Guddigaas. Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa […]

- Advertisement -

Waxaa Goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho kusoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban, kadib markii xilka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Guddigaas.

Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tanaasulay Musharax Mustaf Macalin.

- Advertisement -

Xubnaha Guddiga Khilaafaadka ayaa Cod gacan taag ah ugu coddeeyay, kuna doortay in Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka uu noqdo Maxamed Cawil Warsame oo kamid ah xubnaha Guddigaas.

Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa ka dhigan in mar kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu la wareegay hoggaanka Guddiyada doorashooyinka dadban.

Maalmo kahor ayaa waxaa Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ka dhacday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal, waxaana xilkaas ku guuleystay oo loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo bedelay Guddoomiyihii hore ee Maxamed Xasan Cirro.

Latest stories