HomeWararFaah faahin:-Nabaddoon lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahin:-Nabaddoon lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Alle ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho lagu dilay Nabaddoon Geesey Cusmaan, oo ka mid ahaa Nabaddoonada Soomaaliyeed, sidoo kalena si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho. Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay wadaddada u galeen, xilli uu kasoo baxay Masjidka, oo uu Salaadda Casar u aaday, waxaana dilku uu si gaar […]

- Advertisement -

Alle ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho lagu dilay Nabaddoon Geesey Cusmaan, oo ka mid ahaa Nabaddoonada Soomaaliyeed, sidoo kalena si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay wadaddada u galeen, xilli uu kasoo baxay Masjidka, oo uu Salaadda Casar u aaday, waxaana dilku uu si gaar ah uga dhacay Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshid ee Gobolkani Banaadir.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal aha yaa inoo xaqiijiyay in dableydii dilka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, kadib markii ay dhowr xabbadood ku dhufteen marxuumka, oo markaasi kasoo baxay Masjid ku yaalla Xaafadda fagaxa.

Marxuumka ayaa si weyn looga garanayay Xaafadda Galabta lagu dilay, waxaana lagu xasuustaa in Bulshada uu ka wacyigalin jiray maandooriyaha, isagoo dhowr jeer Warbaahinta bulshada kasoo muuqday isagoo ka wacyigalinaya maandooriyaha kala duwan.

Goobta uu dilku ka dahcay waxaa gaaray Ciidanka ammaanka kuwaasi oo sameeyay baaritaanno, balse lama shaacin ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilka marxuumka, oo kooxo ku hubaysan bistoolado ay toogteen.

- Advertisement -

Sidoo kale Maamulka iyo laaamha amnigu wax war ah kama soos aarin dilka ka dhacay Fagax, ee loo gaystay Nabadoon geesey Cusmaan oo ka mid ahaa nabaddoonada Soomaaliyeed.

Latest stories