HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Garoowe

Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Garoowe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari. Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaas u ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari.

Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaas u ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa gaari ay leedahay Shirkadda SUPER iyo gaari kale oo raaxo ah.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay laba ruux, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana sidoo kalena goobta laga jiiday baabuurta isku dhacday.

Maxamed Cabdikariin Cumar oo ka tirsanaa shaqaalaha Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa kamid ahaa labada ruux ee ku dhintay shilkaas Maanta ka dhacay duleedka duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Si kastaba shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale uga dhaceen duleedka Garoowe iyo degaano hoostega Magaaladas, waxaana inta badan loo sababeeyaa gaadiidka oo xawaare lagu wado.

Latest stories