HomeWararDowladda Soomaaliya oo wada qorshe dalka dib loogu soo celinayo Tahriibayaal xiran

Dowladda Soomaaliya oo wada qorshe dalka dib loogu soo celinayo Tahriibayaal xiran

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Tanzania ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loo heli lahaa xogta iyo tirada dhammaan tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkaas, loona fududeyn lahaa in dalka dib loogu soo celiyo tahriibayaasha ku dhibaateysan guud ahaan xabsiyada Tanzania. Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania xustay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midawga Tanzania H.E […]

- Advertisement -

Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Tanzania ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loo heli lahaa xogta iyo tirada dhammaan tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkaas, loona fududeyn lahaa in dalka dib loogu soo celiyo tahriibayaasha ku dhibaateysan guud ahaan xabsiyada Tanzania.

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania xustay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midawga Tanzania H.E Marwo Samia Sahulu Hassan ay ballan qaaday in la sii daayo dhalinyarada Soomaalida ah ee tahriibka lagu soo qalday, ee ku xiran dalkaas.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda wadamada Bariga Afrika ee Tanzania, Hay’adda Socdaalka, Xabsiyada (Asluubta) ee Wasaarada Arimaha Gudaha Tanzania iyo Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ayaa haatan hormuud ka ah sidii laysaga kaashanlahaa oo dib loogu soo celin lahaa dhalinayarada, gudaha dalka Somalia.

“Hadaba waxaan jaaliyadda, waalidiinta iyo walaalaha kale ee ka walwalsan dhallinyaradaas xabsiyada ku jira la socodsiinaynaa in laga warqabo gacantana lagu hayo tirada, magacyada, iyo sawirada tahriibayaasha welina ay socoto ka shaqayntooda” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Tanzania.

Safaaradda ayaa codsatay in iyaga iyo Dawladda Tanzania lagu kalsoonaado, isla markaana looga dambeeyo arrimaha dhallinyarada tahriibka u xiran ee xabsiyada Tanzania ku jira.

- Advertisement -

“Waxaa kale oo la idinku wargelinayaa in ay ka shaqayntoodu nagula jiraan ha’yaddo kale oo calami ah sida UN-IOM, kuwaasoo qayb libaax ka qaadanaya nagana taageeraya dib-u-celinta iyo arrimo kale oo la xiriira dib-u-dejintooda iyo shaqo-abuurkooda” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Safaaradda…

Latest stories