HomeWararDowladda Somalia iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

Dowladda Somalia iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan. Wasiirka ayaa marka hore uga tacsiyeeyay dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi, kaasi oo loo adeegsaday diyaarado […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan.

Wasiirka ayaa marka hore uga tacsiyeeyay dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi, kaasi oo loo adeegsaday diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, isla markaana ay fuliyeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

- Advertisement -

Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa kulankooda uga hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah.

Labada dhinac ayaa isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran, waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Si kastaba Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan dib u soo celiyay xiriirkii ka dhexeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo muddo xumaa, waxaana Xukuumadda sheegtay in la sii xoojin doono xiriirka labada dal.

Latest stories