HomeWararWasiirka Qorsheynta si kulul u weeraray Xildhibaanka UK ee u ololeynaya Somaliland

Wasiirka Qorsheynta si kulul u weeraray Xildhibaanka UK ee u ololeynaya Somaliland

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa u jawaabay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda Ingiriiska ee Gavin Williamson, kaasi oo u ololeynaya aqoonsiga Somaliland. Wasiir Jamaal oo ka Jawaabayay Qoraal uu soo dhigay Xildhibaan Williamson bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu Wasiirka ku tilmaamay Xildhibaanka in faham la’aan buuxda ka haysato […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa u jawaabay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda Ingiriiska ee Gavin Williamson, kaasi oo u ololeynaya aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Jamaal oo ka Jawaabayay Qoraal uu soo dhigay Xildhibaan Williamson bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu Wasiirka ku tilmaamay Xildhibaanka in faham la’aan buuxda ka haysato xaqiiqada jirta dhulka Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiir Jamaal oo si kulul ku wareeray Xildhibaan Gavin oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiiriiska ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin sabab uu Gavin u farageliyo dal madax-banaan arimihiisa gudaha, maadaama si sharaf dhac ah looga eryay dawladdii uu ka tirsanaa.

“Qof si sharaf dhac ah looga eryay dawladii uu ka tirsanaa sababo la xidhiidha inuu faafiyey xogta amni ee qarankiisa; ma haysto sabab faragelin dal madax-banaan arimihiisa gudaha, inaad taageerto gooni u goosadna waxay wax ku sii kordhineysa boogahaagi” ayuu yiri Wasiir Jamaal oo u jawaabaya Xildhibaanka UK.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa Baarlamaanka Ingiriiska horgeeyay Mooshinka arrinta aqoonsiga Somaliland oo Baarlamaanka UK xalay dood adeg ka yeeshay arrintaas, wuxuuna Xildhibaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda.

Latest stories