HomeWararWasiirk Gaashaandhigga Xilgaarsiinta oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Qatar

Wasiirk Gaashaandhigga Xilgaarsiinta oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Qatar

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Xasan Bin Xamsa. Kulanka dhexmaray Wasiir Cabduqaadir Maxamed iyo Safiir Xasan bin Xamsa ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya ee ku saleysan dhinacyada […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Xasan Bin Xamsa.

Kulanka dhexmaray Wasiir Cabduqaadir Maxamed iyo Safiir Xasan bin Xamsa ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya ee ku saleysan dhinacyada horumarinta iyo Ganacsiga.

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga xilgaarsiinta ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar is garabtaagga Soomaaliya gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulineyso gudaha dalka Soomaaliya.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamsa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin markasta xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dowladood, wuxuuna Wasiir Cabduqaadir sheegay in Qatar kaalin muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada iyo amniga intaba.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladdaha taageera siiya dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegaa inay xiriir dhow la leedahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Latest stories