HomeWararDowladda oo Ingiriiska kala hadashay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Dowladda oo Ingiriiska kala hadashay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford. Kulanka ayaa waxaa ay Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo Marwo Vicky Ford uga hadleen Arrimo ay kamid yihiin  xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford.

Kulanka ayaa waxaa ay Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo Marwo Vicky Ford uga hadleen Arrimo ay kamid yihiin  xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee labad Dal.

- Advertisement -

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ugu dambeyn Boqortooyada Ingiriiska (UK) uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Wada-hadalkaan ayaa kusoo aaday, iyada oo lagu wado in Baarlamaanka muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan madaxbanaannida Somaliland oo uu usoo gudbin doono Xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire.

Latest stories