HomeWararAl-Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qarax khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu beegsaday Magaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac ee Dagmada Wadajir ee Gobolkani Banaadir. Qoraal lagu baahiyay Baraha Internet-ka ee ku hadla afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen, ayna khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Soomaalida ah […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qarax khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu beegsaday Magaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac ee Dagmada Wadajir ee Gobolkani Banaadir.

Qoraal lagu baahiyay Baraha Internet-ka ee ku hadla afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen, ayna khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Soomaalida ah ee Turkigu tababaray, waa sida ay hadalka u dhigeene.

- Advertisement -

Qaraxa ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa mid khasaaro badan dhaliyay waxaana la xaqiijiyay in 4 Qof ay dhinteen, halka ku dhawaad 10 kalana wey ku dhaawacmeen kadib Markii Qof Xiran Jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac Dagmada Wadajir ee Muqdisho Muqdisho.

Sidoo kale Qaraxa waxaa dhankiisa ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo cambareeyay weerarkaasi.

“Waxaan cambaareynayaa falka wuxuushnimadda ah ee Al-shabaab ay ku dhibaateeyeen shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa goob maqaayad ah. Waxaan Allah (SW) uga baryayaa in uu Janada ka waraabiyo intii ku shahiidday, caafimaad deg-deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay. Dowlad iyo shacab, waxaa lagama maarmaan ah inaan u istaagno sidii aan isaga qaban laheyn” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga oo qoraal soo saaray Qaraxa kadib.

- Advertisement -

 

Latest stories