HomeWararJubbaland oo heshiis la gashay Shirkad maalgashi ku sameyneysa keydka Shidaalka

Jubbaland oo heshiis la gashay Shirkad maalgashi ku sameyneysa keydka Shidaalka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland oo maanta lagaga hadlay  qodobo kale duwan, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo. Kulanka waxaa ugu horeyntii Madaxweynaha Golaha oga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii losoo dhameeystiri lahaa  xubnaha kamid […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland oo maanta lagaga hadlay  qodobo kale duwan, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa ugu horeyntii Madaxweynaha Golaha oga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii losoo dhameeystiri lahaa  xubnaha kamid noqonaya kuraasta Aqalka Hoose ee Barlamaaka Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimadka ee Jubbaland ayaa kawar bixisay xaalada caafimadka ee deeeganada Jubaland, waxa ay golaha usoo gudbisay in wali ay taagantahay xaalada Covid-19, isla markana ay wadaan wacyi galinta bulshada iyo dadaalada ay xanuunkan ku xakamaynayaan.

Wasaarada Amniga Jubaland ayaa golaha usoo gudbisay warbixino la xiriira amaanka deegaanada Jubaland. waxa ay sheegtay in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan laamaha amniga maadaama uu dalku kujiro doorasho, lagana hortegayo wax kasta oo keeni kara amni darro.

Dhinaca kale Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyey heshiis ay wada galeen Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Jubaland iyo shirkad ganacsato ree Jubaland ay leeyihiin, taasoo maalgashi ku sameeyn doonta keydka shidaalka ee ku dhaxyaala Dekada Kismaayo si loo hormariyo ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsantahay Jubaland.

- Advertisement -

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubaland ayaa ay sheegtay in deegaanada Jubaland ay wali ka jiraan abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka, gurmadyo kale duwana ay wali ka wado deeganada ay abaaruhu ka jiraan.

Latest stories