HomeWararGalmudug oo Saraakiil u ciqaabeysa Dagaaladii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Guriceel

Galmudug oo Saraakiil u ciqaabeysa Dagaaladii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Guriceel

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa ka hadlay dagaalo Ciidanka Booliska Galmudug iyo  Ciidanka Milateriga Gor-gor ku dhexmaray Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Guddoomiye Cabdullaahi Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud loo ciqaabi doono Saraakiisha Mas’uulka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa ka hadlay dagaalo Ciidanka Booliska Galmudug iyo  Ciidanka Milateriga Gor-gor ku dhexmaray Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Guddoomiye Cabdullaahi Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud loo ciqaabi doono Saraakiisha Mas’uulka ka aheyd hoggaaminta Ciidamada dagaalamey.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug ayaa sidoo kale Ciidamada Booliska Maamulka iyo kuwa Milateriga Gor-gor faray in qolo walba lagu tix-galiyo howsha gaarka u ah ee ay Mas’uulka kaga tahay Qaranka.

Dagaaladii dhawaan Ciidanka Booliska Galmudug iyo Ciidanka Milateriga Gor-gor ku dhexmaray Magaalooyinka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah soo gaaray.

Dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ayaa ka bilowday markii hore Ciidamo ka kala tirsan Galmudug iyo dowladda uu muran soo kala dhex-galay, halka dagaalkii Guriceel uu ka dambeeyay, kadib markii Booliska Magaaladaas ay xireen Ciidamo ka tirsan Gor-gor.

Latest stories