HomeWararAl-shabaab oo Saaka weeraray degaan ka tirsan Galgaduud iyo Dagaal ka socda

Al-shabaab oo Saaka weeraray degaan ka tirsan Galgaduud iyo Dagaal ka socda

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wararka aan ka heleyno degaanka Baxdo ee bariga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas haatan uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab. Dagaalkan ayaa ka yimid, kadib weerar arroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo, iyagoo ka weeraray dhowr jiho, waxaana sidaas ku […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degaanka Baxdo ee bariga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas haatan uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka yimid, kadib weerar arroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo, iyagoo ka weeraray dhowr jiho, waxaana sidaas ku bilowday dagaalka socda oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Dad ayaa waxaa ay kusoo warramayaan in dagaalka xoogiisa ka socdo gudaha degaanka, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaasta, iyadoona dagaalka ay ka qeyb yihiin dadka degaanka qaarkood oo is abaabulay.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka degaanka Baxdo ee bariga Gobolka Galgaduud, in kastoo la tilmaamay inuu jiro khasaaro kala duwan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug..

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale weeraro ugu qaadeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug..

Latest stories