HomeCaalamkaShiinaha oo Ergey Gaar ah u magacaabaya Geeska Africa iyo sababta ka...

Shiinaha oo Ergey Gaar ah u magacaabaya Geeska Africa iyo sababta ka dambeysa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay Khamiista maanta ah inay soo magacaabi doonto Ergey Gaar ah oo u qaabilsan horumarinta nabadda Geeska Afrika ee uu ay xasraduhu ka taagan yihiin, waxaana ay doonaysaa in ay diiradda saarto si ay uga ganacsato kaabayaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay dalka […]

- Advertisement -

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay Khamiista maanta ah inay soo magacaabi doonto Ergey Gaar ah oo u qaabilsan horumarinta nabadda Geeska Afrika ee uu ay xasraduhu ka taagan yihiin, waxaana ay doonaysaa in ay diiradda saarto si ay uga ganacsato kaabayaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay dalka Kenya, oo ku hawlan dadaallada diblamaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka ka socday Itoobiya ilaa dabayaaqadii 2020-kii ee u dhexeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo xukuumadda federaalka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

- Advertisement -

Waxa uu sidoo kale booqday dalka Eritrea oo xuduud la leh gobolka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi, isla markaana ay xulafo la ahaayeen Abiy, colaada ay ku dhinteen kumannaanka qof, boqollaal kun oo kalena ay xididada u siibtay gaajoda sii fideysa.

Dagaalka kale ee ugu weyn ee ka socda gobolka waa Soomaaliya oo ay xoogagga Al-Shabaab kula dagaallamayaan dowladda ay reer galbeedku taageeraan.

Latest stories